Home / Cayaaraha / Koxdaada Xagee Kaga Jirtaa Kala Sareynta EPLka Chelsea Oo Ugu Sareysa, United Oo Ku Dhagan Booska (6-aad), City Oo Weysay UCL Iyo Gunners Oo Boosked 4-aad Is Keentay – Liiska Kala Sareynta Horyaalka Ingiriiska Sanadka 2016
Koxdaada Xagee Kaga Jirtaa Kala Sareynta  EPLka Chelsea Oo Ugu Sareysa, United Oo Ku Dhagan Booska (6-aad), City Oo Weysay UCL Iyo Gunners Oo Boosked 4-aad Is Keentay – Liiska Kala Sareynta Horyaalka Ingiriiska Sanadka 2016

Koxdaada Xagee Kaga Jirtaa Kala Sareynta EPLka Chelsea Oo Ugu Sareysa, United Oo Ku Dhagan Booska (6-aad), City Oo Weysay UCL Iyo Gunners Oo Boosked 4-aad Is Keentay – Liiska Kala Sareynta Horyaalka Ingiriiska Sanadka 2016

Hadii Horyaalka Ingiriiska lagu kala qaadi lahaa 12-ka bilood ee sanadka kasoo bilow January Ilaa Decemebr, Chelsea ayaa ku guuleysan laheyd marka la eego guulaha ay gaartay sanadkaan 2016, waxaana qiimeyntaan soo gudbiyay Sky Sports, halka Manchester United ay kasoo muuqatay booska 6-aad ee horyaalka oo ay bilooyinkii ugu dambeeyay jiiftay xitaa hadii ay badisay 4-kulan oo xiriir ah kulamada horyaalka.

Wadar ahaan kooxaha la qiimeeyay kulamadooda waa 23-kooxood waxeyna taasi ku timid kooxaha heerka labaad u dhacay xili ciyaareedkaan waxey ciyaareen qeybta h–e ee xili ciyaareedkii dhamaaday ee isla sanadkaan, halka sadex kooxood oo kale ay soo kordheen xagaagan bartamaha maraya.

Blues oo haatan 6-dhibcood ku horkaceysa horayalka xili ciyaareedkaan waxey markaan 5-dhibcood ka sareysaa Tottenham Hotspur marka la eego guulaha sanadkaan gudahiis, xitaa hadii ay guuldaro kala kulanto Stoke City waxey la micno tahay iney sanadkaan tahay kooxda ugu sareysa wadar ahaan.

Aqriso Liiskan oo dhameystiran Golasha.Dhibcaha.iyo Kulamada La ciyaaray

Kooxaha Arsenal, Manchester City iyo Man United ayaa aruursaday  min 69-dhibcood balse Gunners ayaa tiigsatay booskeedii 4-aad ee ay caanka ku aheyd sanadahii ugu dambeeyay, dhanka kale United waxey soo istaagtay booska ay xili ciyaareedkaan caashqday ee (6) madama ay 4-kulan oo xiriir ah hadii ay badisay xita ay heerkaan dhaafi weysay wadar ahaan dhibcaha sanadka marka la eego.

Xaqiiqadaan waxey muujineysaa in City ay weysay Champions League madama ay booska 5-aad ku dhameysatay, Liverpool waa booska 3-aad iyadoo Jurgen Klopp iyo ciidankiisa ay keensadeen 70-dhibcood waxeyna 6-dhibcood ka dambeeyaan Chelsea.

Loading...

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

About radiohaatuf fm

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll To Top
Loading...