Home / Cayaaraha / Jose Mourinho Oo Ka Hadlay Guulaha Antonio Conte Ee Chelsea Ka Hor Kulanka Adag Caawa
Jose Mourinho Oo Ka Hadlay Guulaha Antonio Conte Ee Chelsea Ka Hor Kulanka Adag  Caawa

Jose Mourinho Oo Ka Hadlay Guulaha Antonio Conte Ee Chelsea Ka Hor Kulanka Adag Caawa

Tababare Jose Mourinho ayaa ku kaftamay saaxiibkisa Antonio Conte isagoo shaaca ka qaaday inuu si sahlan ugu najaxay xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee England.

Conte ayaa qabtay Chelsea bilowgii xagaagan isagoo qarka u saaran inuu u hogaamiyo horyaalka, balse Jose ayaa uga digay in xaaladda ay sidaan u sahlanaan doonin xagaaga dambe marka ay Blues ka qeyb gasho tartanka Champions League.

Si kastaba Jose oo caawa wajahaya kooxdisii hore kulan ka tirsan FA Cup-ka ayaa qiray in Chelsea ay gacan ka siisay hogaanka ay ku horeyso horyaalka ineysan ka qeyb qaadaneynin tartamada yurub.

Hadaladaan waxey u muuqdaan kuwa ka careysiin kara Antonio Conte isla markaana sababi karta inuu dagaal qabow la galo Mourinho, iyadoo labadaan shaqsi ay durba isku dhaceen bilowgii xagaagan.

Si kastaba wixii ku dhexmaray Stamford Bridge bishii hore ee October marka dib loo xasuusto Jose wuxuu wax aan wanaagsaneen u arkay dabaal dagii aan xadka laheyn oo uu sameeyay Conte kulankaas markaas oo Red Devils 4-0 lagu xasuuqay waxaana la arkayay Jose oo Conte kala hadlay arimahaas dhamaadkii ciyaarta.

“Waxa ugu adag ee aad heysato waa waqtiga shaqada, iyaguna waxey heystaan waqti shaqo” ayuu yiri Jose Mourinho oo ka hadlaya fursadda ay Blues heysato.

“Waan ogahay isbuucyo ka hor uu yiri ma ahan qaladkiisa ineysan joogin tartamada yurub, waa qaladkeyga iyo qaladka ciyaartoyda”

“Balse xaqiiqda jirtaa ayaa ah inuu gacanta ku haayo xaaladda iyagoo heysta waqti shaqo, waqti nasiino, waqti raaxo iyo waqti ay ku kala daneystaan”

“Waxey heystaan waqti ay ku safraan, waqti ay fasaxyo ku aadaan, waqti ay ku aadaan mareykanka, kuna raaxeystaan halkaas dhawr maalmood, dhamaan waqtiyaadaas ayey heystaan”

 

Ugu dmabeyntii Jose Mourinho ayaa qiray in Chelsea ay heysato sanadkaan fursadii ay heli jirtay Liverpool dhawr sanadood balse aysan ka faa’ideysan.

Loading...

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

About radiohaatuf fm

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll To Top
Loading...