Home / Cayaaraha / Real Madrid Oo Taariikh Cusub U Dhigtay Dunida Kubadda Cagta Kadib Guushoodii Xalaey Ee Real Betis.
Real Madrid Oo Taariikh Cusub U Dhigtay Dunida Kubadda Cagta Kadib Guushoodii Xalaey Ee Real Betis.

Real Madrid Oo Taariikh Cusub U Dhigtay Dunida Kubadda Cagta Kadib Guushoodii Xalaey Ee Real Betis.

Real Madrid ayaa guul ka gaartay xalay kulan soo laabasho ahaa oo ay garaacday Real Betis ciyaar ka tirsan La Liga taasoo u sahashay iney hogaanka La Liga mar kale dib ula wareegto.

Guushaas waxey ka saaciday Real Madrid iney jabiso rikoor u yaalay dunida kubadda cagta isla markaana ay dhigto mid cusub waana waxyaabaha u qaaska ah Zinedine Zidane.

Cristiano Ronaldo ayaa madax qurux badan ku barbareeyay Real Betis ka hor inta uusan goolka guusha madax ku dhalin Sergio Ramos, waxeyna noqotay Los Blancos kooxdii ugu horeysay ee shabaqa soo taabata 48-kulan oo xiriir ah waxeyna rikoorkaan kala wareegtay Benfica oo in ka badan 50-sano ka hor sameysay.

Benfica waxey ku guuleysatay iney 47-kulan oo xiriir ah shabaqa soo taabato intii u dhaxeysay December 1963 iyo January 1965, balse Zidane iyo wiilashiisa ayaa gaaray tiro ka badan kooxda reer Portugal.

Markii ugu dambeysay oo ay kooxda Real Madrid ku guuldareysato iney shabaqa soo taabato waxey aheyd kulankii lugta hore wareega Semi Finalka xagaagii hore markaas oo ay Etihad Stadium kula ciyaareen Manchester Cityl.

Wixii intaas ka dambeeyay Real Madrid 34-guul, 11-barbardhac iyo 3-guuldaro ayey gudoontay balse midkoodna kuma guuldareysan in shabaqa laga celiyo.

Loading...

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

About radiohaatuf fm

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll To Top
Loading...