Home / Cayaaraha / Sergio Ramos Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Guushii Taariikhiga Aheyd Ee Barcelona & Go’aanadii Garsoore Ee Kulankaas.
Sergio Ramos Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Guushii Taariikhiga Aheyd Ee Barcelona & Go’aanadii Garsoore Ee Kulankaas.

Sergio Ramos Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Guushii Taariikhiga Aheyd Ee Barcelona & Go’aanadii Garsoore Ee Kulankaas.

Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos ayaa bogaadiyay kooxda ay sida daran u xifaaltamaan ee Barcelona kadib soo laabashadoodii cajiibka aheyd ee ay ku sameeyeen Paris Saint Germain lugtii labaad ee wareega 16-ka koobka UEFA Champions League.

Balaugrana ayaa guuldaro 4-0 ah soo qaadatay markii la isugu tagay Paris bishii February, balse markii la isugu yimid Camp Nou horaantii bishaan Maarso waxey guusha ku qaadatay 6-1, taasoo ka dhigan in isku cel-celis ay kusoo baxday 6-5.

Ciyaartoyda iyo falanqeeyayaasha aduunka ayaa ku bogaadiyay Barcelona soo laabashadaanaan la arkin nuuceeda, balse markaan Ramos ayaa hawada u mariyay bogaadin taasoo ka careysiin karta Jamaahiir badan oo aan ogoleyn in qof walba oo Madridista ah uusan ka hadlin Catalonia.

“Barcelona waxey u ciyaartay si fiican si ay usoo rogaal celiso. runta waxey tahay iney aheyd dhacdo taariikhi ah dhan walba” Ayuu Sergio Ramos u sheegay warbahinta kadib guushii ay xalay ka gaareen Real Betis.

Sergio Ramos ayaa xalay guul soo daahday gaarsiiyay Real Madrid iyadoo sadexdaas dhibcood ay u suuragalisay iney hogaanka La Liga kala wareegaan Barcelona waliba iyagoo kulan baaqi ah heysta.

Dhanka kale hogaamiyaha Los Blancos waxaa la weydiiyay fikradda uu ka heysto go’aanadii garsoore Deniz Aytekin intii ay socotay ciyaartii ay guusha heshay Barcelona, waxeyna sababtay muranno badan oo xitaa ku qasabta UEFA iney ka fiirsato in kulan weyn lagu aamino garsoorahaan.

Si kastaba Sergio wuu diiday inuu dhaleeceeyo garsooaha wuxuuna kusoo koobay fikradiisa in wax walba ay ka dhacaan kubadda cagta.

“Garsooraha? mararka qaar waxey ku siinayaan go’aano, mararka qaarna kuma siinayaan” Ayuu hadalkiisa kusoo koobay Sergio Ramos.

Ugu dambeyntiina Madrid iyo Barcelona waxey si rasmi ah u gaareen Quarter Finalka UCL waxaana ilaa iyo haatan ku wehliya kaliya kooxaha jarmalka ah ee Dortmund iyo Munich, inkastoo la sugi doono afarta kooxood ee soo raaaci doona todobaad dhamaadkaan.

Loading...

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

About radiohaatuf fm

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll To Top
Loading...