Home / Cayaaraha / Falanqeynta:.Borrusia Dortmund vs As Monaco – Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Ka Dhici Doona Jarmalka.
Falanqeynta:.Borrusia Dortmund vs As Monaco – Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Ka Dhici Doona Jarmalka.

Falanqeynta:.Borrusia Dortmund vs As Monaco – Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Ka Dhici Doona Jarmalka.

Borrusia Dortmund ayaa marti loo noqon donaa caawa waana kulanka kaliya ee labaad ee caawa laga daawan doono qaaradda yurub marka la eego tartanka Champions League, labaduba hanaan wanaagsan ayey kusoo baxeen waana lab ka mid ah kooxaha dhaliyay golasha ugu badan tartanka xili ciyaareedkaan.

Markii ugu dambeysay oo ay Quarter finalka kasoo muuqato Dortmund waxey aheyd 2013/2014, guuldaro 2-0 ah ayey kala kulmeen xiligaas Real Madrid.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Borrusia Dortmund vs As Monaco

Tartanka: Champions League

Garoonka: Signal Iduna Park

Garsoore: Daniele Orsato (Italy)

Saacadda: 9:45 Habeenimo (XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Borrusia Dortmund waxey dhaawac ku weyneysaa xidigo muhiim ah sida: Mario Goetze, Andre Schurrle iyo Durm, sidoo kale waxaa shaki la galinayaa inuu ciyaartaan kasoo muuqdo kabtan Marco Reus oo muruqa xanuun ka qaba.

Guerreiro iyo Schmelzer ayaa hal jaale u jira iney seegaan lugta labaad ee tartanka.

Dhanka As Monaco xidigo badan ayaa ka maqan Bokayoko oo ganaax ku seegi doona ciyaartaan, sidoo kale Sidibe, Boschilia iyo Carrillo oo dhaawacyo ku maqan.

Dhawr xidig ayaa hal jaale u jira iney seegaan lugta kale: Fabinho, Jemerson, Germain, Sidibé.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankaan waa kii ugu horeeyay oo ay Dortmund iyo Monaco isaga hor imaanayaan tartamada yurub.

Dortmund rikoorka ay ka heysato kooxaha faransiiska ah waa meel dhexaad, 6-guul, 5-guuldaro iyo 5-barbaro ayey ka wadataa 16-kulan oo ay la ciyaartay.

Dhanka kale Monaco rikoorkeeda kooxaha Jarmalka ah iyana waa mid aad u heer sareeya, 7-guul, 4-guuldaro iyo 5-barbaro, safarkooda Jarmalka 3-guul, 2-guuldaro iyo 2-barbaro ayey soo qaateen.

SHAXDA MACQUULK AH:

Dortmund: Bürki; Pisczcek, Papastathopoulos, Bartra, Schmelzer; Weigl; Dembélé, Kagawa, Pulišić, Guerreiro; Aubameyang.

Monaco: Subašić; Fabinho, Raggi, Glik, Mendy; Moutinho, Bernardo Silva, Lemar; Mbappé, Falcao, Germain

Loading...

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

About radiohaatuf fm

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll To Top
Loading...