Home / Caafimaadka / Emma Morano Oo Dhalatay 1899 Ahaydna Qofkii Ugu Dambeeyay Ee Dhashay Qarnigii 19aad Oo Ku Geeriyootay Dalka Talyaaniga.
Emma Morano Oo Dhalatay 1899 Ahaydna Qofkii Ugu Dambeeyay Ee Dhashay Qarnigii 19aad Oo Ku Geeriyootay Dalka Talyaaniga.

Emma Morano Oo Dhalatay 1899 Ahaydna Qofkii Ugu Dambeeyay Ee Dhashay Qarnigii 19aad Oo Ku Geeriyootay Dalka Talyaaniga.

Ms Morano oo dhalatay 29kii November 1899 ayaa ahayd qofkii ugu dambeeyay ee dhashay qarnigii 19aad ee weli ku sii noolaa caalamka, iyadoo lagu jiro haatan qarnigii 21aad.

Dr Carlo Bava oo ahaa dhakhtarkii haweeneydan gaarka u ahaa ayaa sheegay in maanta uu ku soo wargeliyay qof xanaaneynayay in ay Ms Morano geeriyootay iyadoo fadhida kursigeeda.

Ms Morano ayaa ahayd curadka qoyskeeda balse dhammaan carruurtii ka yaryareyd waa ay geeriyoodeen. Haweeneydan ayaa soo joogtay labadii dagaal ee caalamka soo martay iyadoo intii ay nooleyd ay dalkeeda isku bedbedeleen boqolaal dowladood.

Haweeneydan ayaa tan iyo sanadkii 1938dii ay kaligeed nooleyd kadib markii ay kala tageen nin ay u dhashay wiil balse wiilkeeda ayaa dhintey intii uu carruurta ahaa, tan iyo markaas ayaa la sheegay in haweeneydan ay ka shaqeyneysay warshad illaa iyo sanadkii 2015kii xilligaa oo ay oggolaatay in la xanaaneeyo.

Qoyska ay ka soo jeedo ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in ay muddo dheer ay noolaayeen,waxaa ka mid ahaa hooyadeed oo 91 sano jir ku geeriyootay iyo labo gabdhood oo ay walaalo ahaayeen kuwaasoo noolaa illaa boqol sano.

Emma ayaa aad u cuni jirtey ukunta diggaaga waxaa ay maalin walba cuni jirtey saddex ukun sida uu sheegay dhakhtarkeeda. Dhakhtarka ayaa sheegay inaysan cuni jirin khudaar badan.

Cunista ukunta ayaa waxaa ay bilowday markii ay 20 sano jir ahayd xilligaa oo dhiig la’aan ay ku dhacday, waxaa la aaminsan yahay in haweeneydan ay cuntay inkabadan boqol kun oo ukun intii ay nooleyd.

Loading...

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

About radiohaatuf fm

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll To Top
Loading...