Home / Caalamka / Wararka / Gantaal La tijaabiyay
Gantaal La tijaabiyay

Gantaal La tijaabiyay

Gantaalka waxa laga ganay gobol u dhaw xeebta galbeeed ee dalkaa, waxaana sidaa ku soo warantay wakaaladda wararka ee Yonhap.

Wararka ka imaanaya Koonfur Kuuriya ayaa sheegaya in Kuuriyada Woqooyi ridday gantaal loo malaynayo in uu yahay nooca ballistic-ga ah.

Kuuriyada Woqooyi waxay sanadkan samaysay tijaabooyin isku xig xigay oo ay gantaalo ku gantay, arintaasina waxay sii kordhisay xiisadda u dhaxaysa iyada iyo Maraykanka.

Hase ahaatee laba gantaal oo la tijaabiyey bishii hore ayaa labadiiba fashilmee

Pyongyan ayaa dardar gelisay barnaamijkeeda nukliyeerka iyo gantaalaha sannadihii u dambeeyey in kasta oo ay soo food saartay cambaarayn caalami ah iyo cuna qabatayn Qaramada midoobay ku soo rogtay.

Loading...

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

About radiohaatuf fm

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll To Top
Loading...