Home / Caalamka / Wararka / k/galbeed soomaaliya oo deegaanadeeda ka bilawday howlgalo wado furis ah
k/galbeed soomaaliya oo deegaanadeeda ka bilawday howlgalo wado furis ah

k/galbeed soomaaliya oo deegaanadeeda ka bilawday howlgalo wado furis ah

Dowlad goboleedka k/galbeed soomaaliya ayaa waxaa ay deegaanadeeda ka bilawday howlgalo xoogan oo ay ku furayaan wadooyinka kala xir xiran ee deegaanada maamulkaas.
Meelaha ay howl galadaasi ka bilawdeen ayaa waxaa ka mid ah wadooyinka magaalada baydhabo uga kala baxo dhinacyada koonfureed iyo galbeed.
Saraakiil ka tirsan ciidamada booliska gaarka ah ee maamulka k/galbeed soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in ay sii soconayaan holwgaladaa ay haatan ka bilabeen deegaanada maamulka k/galbeed soomaaliya.
Daahir cabdi m.med oo ka mid ah saraakiisha ciidamadapoliska gaarka ah ee k/galbeed soomaaliya ayaa waxaa uu sheegey in ay gaareen deegaano badan oo ka tirsan gobolada baay iyo bakool kuwaasi oo ay horey xayiraad u saareen alshabaab ayna haatan doonayaan in si rasmi ah isku furan wadada dheer ee xariirisa baydhabo iyo waajid taas oo mudo 5,sano ah Al-shabaab xireen.
Si kastaba qeybo badan oo ka mid ah deegaanada maamulka k/galbeed soomaaliya ayaa waxaa ka jira cuno qabateen dhinac wadooyinka ah.

Loading...

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

About radiohaatuf fm

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll To Top
Loading...