Home / Caalamka / Wararka / Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Shir Kaga Qeyb Galaya Magaalada Dooxa
Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Shir Kaga Qeyb Galaya Magaalada Dooxa

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Shir Kaga Qeyb Galaya Magaalada Dooxa

Madaxda Shirkaasi ka qeyb galaysa ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha dowladda Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar ayaa lagu waddaa maanta in uu halkaasi kaga qeyb galo Shir Caalami oo ay ka qeyb galayaan Madax ka socota Qaaradda Afrika iyo sidoo kale Bariga Dhexe.

Mudane Kheyre ayaa sheegay in Shirka Doha Forum oo lagu casuumo madax ka socota dalal kala duwan iyo Hay,ado caalami ah ay Soomaaliya sanadkaan ka qeyb galayso , islamarkaana kulamo kala duwan ay la qaadan doonaan Madaxda Shirkaasi ka qeyb galaysa.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ee hadda ku sugan Dooxa ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga Gudaha, Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra,iisul Wasaaraha iyo masuuliyiin kale.

Waxaana shirkani furi donna Amiirka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani.

 

Loading...

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

About radiohaatuf fm

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll To Top
Loading...