Home / Caalamka / Wararka / Uganda Oo Sheegtay  In Ay Xooji Doonto La Dagaalka  Al-Shabaab
Uganda Oo Sheegtay  In Ay Xooji Doonto La Dagaalka  Al-Shabaab

Uganda Oo Sheegtay  In Ay Xooji Doonto La Dagaalka  Al-Shabaab

Madaxweynaha dowladda Uganda ayaa sheegay in Soomaaliya caqabadda ugu weyn ee maanta hortaagan ay tahay dagaalka Al-Shabaab.

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in dalalka Caalamka ay usoo jeestaan dagaal ka dhan ah dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Waxaa uu ku hanjabay in dowladda Uganda ay ka go’an tahay in ay laba jibaarto Ciidamada ka joogga Soomaaliya si ay dagaal ula galaan Al-Shabaab.

Yoweri Museveni ayaa ugu dambeyntii Sheegay in ay lagama maarmaan tahay in Soomaaliya ay cagaheeda isku taagto ,islamarkaana ay ka maaranto gacmo shisheeye.

Yoweri Museveni Madaxweynaha dowladda Uganda ayaa sidoo kale tilmaamay in madaxda Soomaalida laga doonaayo in ay dhisaan ciidan Qaran oo hanankara Ammaanka Soomaaliya.

Dowladda Uganda ayaa xusay in ay ka mid tahay dalalkii ugu horreeyay ee gurmad Ciidan u soo diray Soomaaliya ,islamarkaana ay sii wadi doonaan taageerada Ciidan ee ay Soomaaliya siiyaan tan iyo inta ay ammaan noqonayso.

Loading...

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

About radiohaatuf fm

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll To Top
Loading...