Home / Caalamka / Wararka / may maalinta dhalan yarada soomaaliyeed oo maanta ku aadan
may maalinta dhalan yarada soomaaliyeed oo maanta ku aadan

may maalinta dhalan yarada soomaaliyeed oo maanta ku aadan

Iyadoo ay maanta ku asteysantahay 15-ka May maalinta dhalinyarada Soomaliyeed kuna beegan Aas aaskii Ururkii dhaliyarada gobanimo doonka ee SYL ayaa lagu wadaa in Munaasabado lagu weyneynaayo lagu qabto Muqdisho iyo Gobolada Dalka.

15-ka May waa maalin aad ugu qiimo badan Bulshada Soomaaliyeed Sanadkasto markii la gaaro Maanta oo kale waxaa dalka gudahiisa iyo dibaddiisa lagu qabtaa Munaasabado lagu Xusaayo maalinta dhalinyarada soomaaliyed iyo Dhalinyaradii SYL.

Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha xukuumada Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir oo iskaashanaya ayaa la filayaa in maanta magaalada Muqdisho ay ku qabtaan munaasabdo lagu xusayo 15-ka May oo ah maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo sidoo kale Aas aaska ururkii gobonima doonka ee SYL.

Waxaana lagu wada in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed uu maanta tago goobaha Taariikhiga ah ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu waddaa in uu maanta Ubax  dhigo Taaladda SYL ka dib uu tago Garoonka kubadda Caggta ee Koonis halkaasoo uu kula hadli doono dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Loading...

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

About radiohaatuf fm

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll To Top
Loading...