Home / Caalamka / Wararka / Welaac laga qabo dib u soo laabashada abooda kooxax burcad-badeeda soomaalida oo sii korartay
Welaac laga qabo dib u soo laabashada abooda kooxax burcad-badeeda soomaalida oo sii korartay

Welaac laga qabo dib u soo laabashada abooda kooxax burcad-badeeda soomaalida oo sii korartay

Cabsida dunida ay ka qabto soo laabashada Burcad badeeda Soomaalida ayaa korortay , waxaana ay ku baaqayaan in si deg deg ah arintaasi wax looga qabto.

Dowladdaha Japan iyo sidoo kale Shiinaha ayaa waxa ay sheegeen in ay xoojiyeen ciidamada ka joogga xeebaha Soomaaliya, islamarkaana ay qaadayaan tilaabo walba oo wax looga qabanaayo kooxaha Burcadbadeeda.

Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ee la dagaalanka Kooxaha Burcadbadeeda  ayaa waxa ay sheegeen in bilihii lasoo dhaafay kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida Weerarada ay geysanayaan ay kordheen.

Sarkaalka ugu sareeya Ciidamadaasi ayaa BBC-da u sheegay in ay xiriir wanaagsan lala leeyihiin Maraakiibta Ganacsiga ee Maraya biyaha ka baxsan Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Maraakiibta Ganacsiga ay sameysteen ilaalo u gaara oo ka hortaga Weerarada Kooxaha Burcadbadeeda.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in hada ay sii xoogeysanayaan Buracd-badeeda loona baahan yahay in hada si wadajir ah la isaga kaashado, si looga guuleysto Burcad-badeeda.

Sanadkaan Gudihiisa ayaa waxa ay geysteen Afduubyo kala duwan waxaana ka mid ah Afduubkii ay ugu geysteen Markabkii ARIS 13 ee degmada Calluula ee gobolka Bari.

Loading...

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

About radiohaatuf fm

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll To Top
Loading...