Home / Caalamka / Wararka / Xukuumada soomaaliya oo wacad ku martay wax ka qabashada wasaaradii wax is daba marin sameysa
Xukuumada soomaaliya oo wacad ku martay wax ka qabashada wasaaradii wax is daba marin sameysa

Xukuumada soomaaliya oo wacad ku martay wax ka qabashada wasaaradii wax is daba marin sameysa

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka qeyb galay Kulan looga hadlayay isla Xisaabtanka Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyada si adag loola Xisaabtamayo.

Sidoo kale waxa uu sheegay Abuukaate Mahdi in Xukuumadan ay tahay mid ku dhisan isla Xisaabtan iyo hufnaan.

Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxaa uu sheegey in qof walbo oo u shaqeeya wasaarada maaliyada soomaaliya looga baahanyahay in ay iyagu naftooda la xisaabtamaan inta aan iyagu lala xisaabtamin.

Uga dambeyn Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka ayaa hadalkiisa ku soo gaba gabeeyey in cid walbo oo lagu helo wax is daba marin xabsiga la dhigi doono

Loading...

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

About radiohaatuf fm

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll To Top
Loading...