Home / Caalamka / Wararka / Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay gudaha wadanka kenaya
Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay gudaha wadanka kenaya

Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay gudaha wadanka kenaya

Afar qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay degmada Liboi ee Kenya kadib markii baabuur ay la socdeen dad rayid ah ay ku qaraxday miino la dhigay waddada.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyey in dhammaan dadka dhintay ay yihiin rayid.

Baabuurkan ayaa la sheegay inuu ka yimid Liboi uuna u socday magaalada Gaarisa.

Illaa iyo hadda lama yaqaan cidda miinadan dhulka ku aastay, iyo cidda loola dan lahaa.

Ciidamada amaanka wadanka Kenya ayaa waxaa ay howlgalo xoogan ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka waqooyi bari Kenya.

Howlgaladaan ayaa waxaa ay daba joogaan weeraro joogta ah oo alshabaab maalamhii dambe ka geysanayeen gudaha wadanka Kenya.

Meelaha ay howlgalada ka socdaan ayaa waxaa ka mid ah deegaanka lafey,laamu, Liboi, iyo magaalada Gaarisa.

Saraakiisha amaanka wadanka Kenya ayaa waxaa ay sheegeen in howlgaladaan ay sii socon doonaan mudo mana shaacinin saraakiisha mudadaas inta ay ku egtahay.

Dhanac kale sargaal u hadlay booliska ayaa waxaa uu sheegay in ay ka war heyaan rag ka tirsan xarakada Al-shabaab oo ku dhex dhuumaalaysanaya gudaha wadanka Kenya kuwaasi oo uu sheegay sargaalkaan in ay qorsheynayaan in ay weeraro ka geystaan gudaha wadanka keny.

Si kastaba ahaate dowlada Kenya ayaa waxaa ay dhoor jeer oo horay ah u shaacisay in ay ka hortagayeen weerarada alshabaab ay ka geysanayaan gudaha dalkeeda.

Loading...

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

About radiohaatuf fm

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll To Top
Loading...