Home / Caalamka / Wararka / QM oo walac xoogan ka muujisay weerarada Al-shabaab ay ka geysanayaan gudaha soomaaliya soona jeedisay in wada hadal lala galo

QM oo walac xoogan ka muujisay weerarada Al-shabaab ay ka geysanayaan gudaha soomaaliya soona jeedisay in wada hadal lala galo

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Danjire Michael Keating oo Wareysi siiyay Wargeyska Newsweek ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in Al-Shabaab lala galo wada hadal si looga baxo dagaalka ka socda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in taasi ay tahay tilaabadda kaliya ee looga guuleysan karo  Al-Shabaab.

Micheal Keating ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in cafiska loo      fidinaayo Al-Shabaab in uu yahay mid sabsabasho ah.

“Cafiska loo fidinaayo dagaalyahanada ka tirsan Al-Shabaab waa qorshe wax looga sasabanaayo laakiin waxaad u baahan tahay in aad hesho qorshe kale oo looga guuleysan karo Al-Shabaab ”ayuu yiri Keating.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya ayaa sidoo kale rajo xumo ka muujiyay in dagaalka Al-Shabaab uu dhamaado sanadyadda soo socda.

Si kastaba hadalkaan ka soo baxay QM ayaa waxaa uu imaanayaa xeli weerarada alshabab ay ka geysanayaan gudaha soomaaliya ay noqodeen kuwo soo laa laabta wallow dowlda soomaaliya ay dhankeedu dadaal xoogan uga jirto sidii ay uga adkaan laheyd xarakada alshabaab.

Loading...

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

About radiohaatuf fm

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll To Top
Loading...