Home / Caalamka / Wararka / Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland oo Iscasilaya
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland oo Iscasilaya

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland oo Iscasilaya

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ah Guddoomiyaha Golaha wakiilada ahna musharax madaxwayne ee Xisbiga Mucaaridka ee Waddani ayaa maanta cadeeyay in kursiga golaha wakiilada uu baneynayo oo xilkaasi uu iska casilayo maalinta beri ah ee Arbacada.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa xilkaasi guddoomiyenimada muddo laba iyo toban sano ah ku fadhiyay balse waxaa ay is casilaadiisu sabab u ah inuu musharax madaxwayne u yahay xisbiga Mucaaridka ee Waddani oo bisha 11aad ee sanadkan u tartamaya doorashada madaxwayne ee Maamulka Somaliland.

Maalinta beri ah ayaa la filayaa in kala Kalfadhi aan caadi ahayn iskugu imaadaan  golayaasha baarlamaanka Somaliland sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska xoghayaha guud ee golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Loading...

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

About hatuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll To Top
Loading...