Home / Caalamka / Wararka / Maalinta Naas-nuujinta Adduunka oo Maanta laga Xusay Muqdisho
Maalinta Naas-nuujinta Adduunka oo Maanta laga Xusay Muqdisho

Maalinta Naas-nuujinta Adduunka oo Maanta laga Xusay Muqdisho

Munaasabad lagu Xusayo Maalinta Naas-nuujinta Adduunka oo ay ka soo qeyb galeen Wasiirro, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukumadda Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur oo Munaasabadda ka hadashay ayaa Hooyooyinka Soomaaliyeed ugu baaqday in Carruurtooda ay Naaska-nuujiyaan mudo Sanad ka badan,si Carruurta ay u helaan Korniimo Fiican islamarkaana aan lagu dag dagin siinta Caanaha Gasaceysan  ee Booraha loo yaqaano.

Fowsiyo Abiikar Nuur Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in Wasaaraddu ay diyaarisay Sharci ka dhan ah Caanaha Gasaceysan ee Dalka la soo geliyo oo aan la ogeyn Tayadooda sida ay sheegtay.

“waxaan sidoo kale keenay Sharci lagu Xadidayo Shaqsiyaad isugu jira Ajaanib iyo Soomaali oo Dalka ka furta Goobo Caafimaad oo aan aysan Wasaaraddu la socon”ayey tiri Fowsiyo Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka.

Munaasabaddaan lagu Xusayay Maalinta Naas-nuujinta Adduunka ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Caafimaadka Xukumadda Soomaaliya.

Loading...

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

About hatuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll To Top
Loading...